Ilmakorinta Habboon - Ruqiya Cabdi - Livros - WISE INK - 9781634894111 - 18 de dezembro de 2020
Caso a capa e o título não sejam correspondentes, considere o título como correto

Ilmakorinta Habboon

Preço
R$ 121,90
excluindo impostos

Item sob encomenda (no estoque do fornecedor)

Espera-se estar pronto para envio 23 de set - 5 de out
Receba avisos sobre novos lançamentos de Ruqiya Cabdi
Adicione à sua lista de desejos do iMusic

Ainda não avaliado

SADDEX ARIMOOD AYAA KA HOR YIMAADA WAALIDIINTA SOOMAALIYEED marka loo eego waxyaabaha kale ee la xiriira isku dayitaankooda ah in ay carruur ku koriyaan deegaan dhaqan cusub leh: nidaamka waxbarasho oo sida uu u shaqeeyo aanay aqoon, adeegyada bulshada oo aanay ku kalsoonayn, iyo nidaam caawimaadeed oo aanay lahayn. Kala duwanaanshaga u dhexeeya dhaqankii ay ku soo koreen iyo kan meesha cusub ee ay ku korinayaan carruurtooda ayaa noqon kara mid ay adagtahay in laga gudbo.




Ilmakorinta Habbooon wuxuu dhiirrigelinayaa in ilmaha iyo waalidku yeeshaan xiriir caafimaad qaba, isaga oo aan isticmaalayn xeeladaha waxtarka leh oo kali ah ee diiradda saaraya jacaylka iyo xannaanada aabbaha iyo hooyadu u hayaan ilmahooda, iyadoo la eegayo muhiimadda ay leeyihiin waxbarashada hore, cayaarta, maalgelinta waalid, u noqoshada tusaale lagu daydo, iyo isu-dheellitirka shaqada iskuulka iyo waqtiga firaaqada.




Ruqiya Cabdi waxay waalid walba ku caawisaa siduu u dabooli lahaa baahiyaha kala duwan ee ilmihiisa, iyadoo tixgelineysa dhaqanka Soomaaliyeed oo haatan ku abuurmaya meel cusub lana falgalaya qaabdhismeedka bulsho ee halkaa ka jira.




Ilmkorinta Habboon wuxuu waaliddiinta tusayaa caawimaad inta ay la qabsanayaan waddan iyo dhaqan cusub, wuxuuna si qumman u buuxinayaa daldaloollada jira, isla markaana dhisayaa xiriirka u dhexeeya waalidka iyo ilmaha.

Mídia Livros     Paperback Book   (Livro de capa flexível e brochura)
Lançado 18 de dezembro de 2020
ISBN13 9781634894111
Editoras WISE INK
Páginas 156
Dimensões 127 × 203 × 9 mm   ·   176 g
Idioma Somali  

Mais da mesma editora